Waajibaadkeena

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u igmaday Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare xilka iyo waajibaadka hoos ku xusan:

  1. Dejinta, horumarinta iyo dhaqan-gelinta Siyaasadda Tacliinta Sare.
  2. Dib-u-habeynta, casriyeynta iyo tayeynta xafiisyada, maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda.
  3. Ilaalinta hantida Wasaaradda iyo soo-celinta midda maqan.
  4. Daba-galka heshiisyadii horay loo galay.
  5. Soo-jeedinta shuruucda khuseysa howlaha Wasaaradda.
  6. Diyaarinta iyo soo-bandhigidda warbixin xilliyeed joogta ah ee ku aaddan howlaha Wasaaradda.
  7. Dejinta iyo dhaqan-gelinta Manhajka Tacliinta Sare ee Jaamacadaha Dowladdu maamusho.
  8. Xoojinta xiriirka Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Tacliinta Sare.
  9. Soo-jeedinta shuruuc lagu hubinayo tayada, laguna horumarinayo machadyada iyo jaamacadaha.
  10. Raadinta iyo maareynta hufan ee deeqaha waxbarashada.
  11. Howlgelinta iyo casriyeynta Maktabadda Qaranka.
  12. Dhiirrigelinta iyo horumarinta cilmi-baarista aqooneed ee jaamacadaha.
  13. Qiimeynta shahaadooyinka jaamacadaha iyo machadyada sare.
  14. Baahinta tacliinta sare.
  15. Horumarinta xiriirka jaamacadaha dalka iyo dibedda.
  16. Abuurista xarumo cilmi-baariseed oo casri ah.
  17. Raadinta iyo helidda teknooljiyada casriga ah ee ku habboon dalka.
  18. Kor-u-qaadidda aqoonta cilmi-baarayaasha iyo farsama-yaqaannada.
  19. Ku-dhiirrigelinta hay’adaha dalka iyo ka-faa’iideysiga taknooljiyadda casriga ah.
  20. Howgelinta Akademiyaddii Dhaqanka iyo Matxafkii Qaranka.
  21. Horumarinta Farshaxanka iyo Hal-abuurka.
  22. Xoojinta xiriirka iskaashi ee hay’adaha Hiddaha ee Caalamiga ah iyo kuwa goboleed.
  23. Horumarinra iyo qabyo-tirista qoridda farta afka Soomaaliga.
  24. Dib-u-howlgelinta hay’adihii Wasaaradda hoos iman jiray.
  25. Qiimeynta iyo daba-galka fulinta waajibaadkii loo xilsaaray Wasaaradda.