post

In kabadan 100 arday oo ka faa’iideysanaya deeq-waxbarasho oo Soomaaliya ay ka heshay Suudaan oo ka dhoofay Muqdisho

Agaasimaha Wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliyeed, Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, oo maanta oo talaada ah warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in 105 arday oo isugu jira Gabdho iyo wiilal oo wax-barashada dugsiga sare ku dhameestay iskuulaadka dalka ay maanta u duulayaan dalka Suudaan iyaga oo ka faa’iideysanaya deeq waxbarasho oo Dowlada Suudaan ay ugu deeqday ardada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Agaasime Ismaaciil in ardadaan ay kusoo baaseen imtixaan Wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta sare ay ka qaaday si loogu kala saaro ardada soo gudbisatay codsigooda ay ku doonayeen in ay helaan wax-barashada, waxa uuna u rejeeyay in ay noqdaan kuwa ka’faaiideesta wax-barasha kuna soo laabta dalka iyaga oo xanbaarsan aqoon heerkeedu sareeyo.

Ardada qaar kamid ayaa intii ay sugayeen diyaaradii u qaadi laheyd dalka Suudaan waxa ay la hadleen saxaafada iyaga oo ka waramay dareenkooda, waxa ayna sheegeen in ay tahay guul aad u balaaran oo usoo hoyatay iyaga naftooda iyo Soomaali oo dhan maadaama safarkoodu uu yahay mid wax barasho la xariira.

Waxa ay ardadu aad u amaaneen doorka ay Wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta sare ka qaadatay qorshaha waxbarashadaan ay ugu deeqday Suudaan iyo sida cadaalada ku dhisan ay u qeybisay, waxa ayna balan qaadeen in ay dalka kusoo noqon doonaan iyaga oo wax badan kusoo dhrodhin kara hanaanka horumarineed ee dalka.

Arada ayaa iyaga oo faraxsan waxa ay ugu danbeyn raaceen diyaaradii geyn laheyd dalka Suudaan,waxaana horay diyaarada ula raacay agaasimaha Wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta sare Ismaaciil si uu ardada ugu soo fududeeyo qaabkii ay u aadi lahaayeen jaamacadaha ay ku qoranyihiin si ay wax uga soo bartaan.

Bishii lasoo dhaafay waxaa sidaan oo kale dalka ka dhoofay arday aad u badan oo deeq waxbarasho dowlada Soomaaliya ay ka heshay dowlada Ethiopia ugu baxay dalkaasi iyada oo la filayo sidoo kale in boqolaal arday oo ku guuleysatay imtixaan ay u galeen deeq waxbarasho oo ciraaq ay bixisay iyana dhawaan ay u safraan dalkaasi.

Wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta sare oo ay kamid tahay waajibaadkeeda Raadinta iyo maareynta hufan ee deeqaha waxbarashada ayaa waxa ay mar waliba ku dadaashaa qaabkii arday badan ay u heli lahaayeen deeqahaasi wax-barasho si sare loogu qaado tirada Soomaalida aqoonta leh ee wax kusoo kordhin kara dalkeenna.