post

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay Jaamacaddii Ummadda

Kulan ballaaran oo hor u ahaa xafladdii ku dhawaaqista furitaanka jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka wada qeybgaleen madax sare oo ka tirsan xukuumada oo uu hormuud u ahaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan oo uu shir guddoominayey Maxadaweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha sharafeedka guddiga sare ee Jamacadda ummadda, oo ka kooban illaa 9 xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada uuna guddoominayo wasiirka wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin Manhajka Jamacada, kuliyadaha lagu bilaabayo, miisaaniyadda jaamcadda,  iyo qodoba kale oo gundhig u ah horumarka tacliinta sare ee dalka oo la doonayo in jaamacadda ummadda Soomaaliyeed JUS ay hogaamiso..

Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamad oo furitaanka J.U.S hadal ka jeediyey ayaa sheegay in kulanka guddiga sare lagu go.aansadey in maanta wixii ka danbeeya ay Jaamacadda Ummada tahay mid furan oo madaxweynaha uu xarrigga ka jaray.

Furritaanka Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo xirneyd muddo 24-sano ah ayaa waxa ay ka dhigantahay sida xukuumadda federaalka Soomaaliya ay uga go.antahay horumarinta iyo tayeynta tacliinta sare ee dalka iyo dib usoo nooleynta jaamacaddii qaranku lahaa sii ay kaalinteeda u gudato.