Matxafka Qaranka

Matxafka Qaranku wuxuu ahaa meesha ugu ballaaran ee lagu keydiyo taariikhda dalka. Waxaa ku keydsanaan jiray taariikh muujineysa heerarka kala duwan ee ay soo martay taariikhda Soomaalida. Waxaa Maxtafka Qaranka markii ugu horreysay aasaasay gumeysigii Talyaaniga sanadkii 1934kii.

Illaa laga soo gaaro 1991kii, Matxafka Qaranku wuxuu qeyb ka ahaa Aagga Dhaqanka (Cultural Zone) ee magaalada Muqdisho oo ka koobnaa Golaha Murtida iyo Madadaalada, Maxtafka Qaranka, iyo Maktabadda Qaranka. Maxtafku wuxuu ka koobnaa dhisme ballaaran oo leh qeybo kala duwan oo lagu soo bandhigyo taariikhaha kala duwan.

Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare waxay qorsheyneysaa inay dib u soo nooleyso Matxafkii Qaranka. Maadaama la bililiqeystay agabkii maxtafka, waxay Wasaaraddu abaal-marin doontaa muwaadiniinta dib u soo celisa agabkii Maxtafka.