Maktabadda Qaranka

Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare waxay qorsheyneysa inay dib u furto Maktabaddii Qaranka, oo ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Wasaaraddu waxay dareensan tahay baahida loo qabo in laysku geeyo dadaallada Dowladda, bulshada rayidka, iyo deeq-bixiyeyaasha si loo helo awoodda loo baahan yahay in loogu soo celiyo Maktabaddii Qaranka.

Marka dib loo furo, Maktabadda Qaranku waxay noqon doontaa hay’ad aqooneed oo lagu keydin doono dhaxalka qoran ee dalku leeyahay ha ahaado mid dhaqan ama mid kale, iyadoo sidoo kale ay noqon doonto barta tixraaca loogu noqdo ee dalka. Maktabadda Qaranku waxay dadweynaha iyo shacabkuba u noqon doonta meel ay ugu soo hirtaan arrimaha aqoonta iyo macluumaadka, waxayna noqon doontaa barta ugu weyn ee lagu keydiyo xusuusta dalka.