Waaxda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga

Waaxda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga ah waxay diyaarisaa siyaasadaha iyo qorshayaasha istaraatiijiga ah iyo kuwa sanadlaha ah ee Wasaaradda. Waxay sidoo kale qaabilsan fulinta, kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda horumarinta ah ee Wasaaradda khuseeya.

Waaxdu waxay sidoo kale kor ka maamushaa wakiillada dhaqanka iyo waxbarashada ee ku sugan safaaradaha aynu ku leenahay dunida daafaheeda (Cultural attaches) iyo ardeyda Soomaaliyeed ee waxka barata jaamacadaha dalalka safaaradahaasi ay nooga wakiilka yihiin.

Waajibaadka Waaxdan waxaa ka mid ah:

  • Inay fududeyso hannaan qorsheyn oo isugu jira mid dhow iyo mid fog oo ay yeelato Wasaaradda.
  • Inay billowdo, isla markaana wadahadallada ku saabsan dajinta siyaasadaha ay ka qeybgeliso hay’adaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, wasaaradaha ay khuseyso iyo daneeyeyaasha caalamiga ah.
  • Inay hoggaamiso, qiimeyso, isla markaana si tallaabo-tallaabo ah u fuliso horumarinta Wasaaradda.
  • Inay ka caawiso jaamacadaha, machadyada sare, hay’adaha ka shaqeeya dhaqanka iyo cilmi-baarista sidii ay u yeelan aragti caalami ah.
  • Inay si wanaagsan suuq-geyso, una buunbuuniso hay’adaha waxbarasho, cilmi-baaris iyo dhaqameed ee ka jira dalka heerarka goboleed illaa mid caalami ah.
  • Inay fuliso, isla markaana kormeerto mashaariicda horumarinta ah.