Waaxda Cilmi-baarista & HEMIS

Waaxdani waxay mas’uul ka tahay Cilmi-baarista iyo Nidaamka Maareynta Tacliinta Sare (Higher Education Management Information Systems). Ujeeddaduna waa sidii Soomaaliya ay u gaari lahayn horumar farsamada iyo hal-abuurka casriga ah oo ku dhisan daraasad iyo teknooljiyad.

Mas’uuliyadaha Waaxda waxaa ka mid ah:

  • In la sameeyo cilmi-baarisyo
  • In la abuuro, si joogto ahna loo horumariyo keyd macluumaad oo ay leedahay tacliinta sare ee Soomaaliya.
  • In la maamulo barta internetka ee Wasaaradda iyo ammaanka xogaha baraheeda.
  • Inay soo daraasaeyso siyaabaha ay Wasaaraddu uga faa’iideysan karto farsamada casriga ah, isla markaana ay dhaqangeliso farsamada ku habboon Wasaaradda ee ugu casrisan ee Maamulku isku raacay.
  • Inay sare u qaaddo aqoonta iyo xirfadda farsamada casriga ah ee shaqaalaha Wasaaradda.
  • Inay xukunto xogta iyo macluumaadka ku keydsan baraha si loo ilaaliyo ammaanka xogta ku keydsan barahaasi.
  • Inay keento qalabka farsamada casriga ah ee Wasaaraddu u baahan tahay.