Waaxda Maamulka & Maaliyadda

Waaxda Maamulka & Maaliyadda waxay ka mas’uul ka tahay guud ahaan arrimaha maamul iyo maaliyadeed ee Wasaaradda. Waaxdu waxay dadaal kasta ku bixineysaa inay adeegyadeeda ku bixiso si hufan oo ay ku jirto danta Wasaaradda iyo midda dalka. Qeybaha ugu muhiimsan ee ay Waaxdu ka kooban tahay waxay kala yihiin qeybta maaliyadda, wax-soo-iibinta, saadka, iyo maamulka guud. Guud ahaan Waaxdu waxay mas’uul ka tahay:

  • Inay diyaariso miisaaniyadda Wasaaradda, iyadoo la kaashaneysa waaxyaha kale, kadibna miisaaniyaddaas kala xaajooneysa Wasaaradda Maaliyadda.
  • Inay bixiso adeegyada guud ee kaabaya habsami-u-socodka Wasaaradda. 
  • Inay Waaxyaha Wasaaradda u soo iibiso dhammaan agabka lagama-maarmaanka u ah shaqadooda. 
  • Inay ka taxadarto nidaamka loo haynayo lacagta iyo qaabka loo diiwaan-gelinayo.
  • Inay fududeyso sii-deynta maaliyadda, oggolaanshaha lacag-bixinta iyo kontoroolka kharashka.
  • Inay kontoroosho kharashaaadka joogtada ah iyo kuwa horumarinta ah ee Wasaaradda.
  • Inay hubiyaan in mashaariicda horumarinta aysan isku qasmin oo si wanaagsana loo xisaab-xiro.
  • Inay tikidhada u habeyso madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradaha ee u safraya howlo tababar, shirar, ama siminaarro, iwm.
  • Inay kormeeraan in si habboon loo adeegsanayo gaadiidka ay Wasaaraddu leedahay.
  • Inay ku lugyeeshaan wixii qandaraas ah ee la bixinayo ee Wasaaradda khuseeya. 
  • Inay diyaariso, soona gudbiso warbixinno-xilliyeedka ee maaliyadda.
  • Inay fududeeyaan in Wasaaradda lagu sameyn karo xisaab-xir, mid Wasaaradda gudaheeda ah iyo mid bannaankeeda ahba. Waana inay fuliyaan talooyinka guddiga xisaab-xirka.